DAAWO:-Cabdi ILA MEERAYSO oo Dhaliilo Cusub usoo jeediyey Muuse Biixi iyo Arimo yaab leh

0

Waxaa magaalada Hargeisa maanta Warbaahinta kula Hadlay Cabdi ILA Meerayso,   Wuxuun a Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ku eedeeyay inuu Caado ka dhigtay inuu ka baxo Balanta uu galo.

“Anigu waxaan leeyahay Bahal Caydhin (Hilib aan Bislayn) ma daayo, Nina Caadi (Dhaqankiisa) ma Baajo, Sidaynu uga baranay Muuse wuu soo celiyey,    Muuse wuxuu moodayaa inuu Xukumayo Guutadii Afraad, ee inuu Somaliland Xukumayo uma Haysto”.  Ayuu yidhi Cabdi Ila Meerayso oo sheegay in la arkayo Wacad ka bax Muuse Biixi uu Macmiisha ka dhigtay,  Wuxuuna xusay inaysan Aqbali doonin.