Akhriso:-Weerar lagu qaaday kolonyo ciidan oo galbinaysay injineerro Turkish ah

0

Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala beegsaday kolonyo ay la socdeen injineerro Turkish ah.

Kolanyadaan ayaa lagu beegsaday degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya kadib markii dhawaan Al-shabaab ay sheegeen inay kordhinayaan weerarada ka dhanka ah Turkiga.

Dhawaan ayay ahayd markii labo muwaadin oo Turkish ah ay kamid ahaayeen dadkii ku dhintay qarixii ex-cantarool Afgooye.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here