AKHRISO:- Shirweyne U Dhexeeya Koonfur Galbeed Iyo Hirshabeelle Oo Furmay

0

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa si rasmi ah uga furmay Shirweyne u dhexeeya dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay kamid yihiin fatahadaha iyo sameynta ay reebaan iyo horumarinta deegaanada Maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle.

Sidoo kale Shirkan ayaa looga tashan doona sidii xal waara loogu heli lahaa fatahadaha ay sameyaan wabiyada dalka iyo dadkii ay sameyeen fatahadihii ugu dambeyay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, wasiir dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Khasaare Xasan Cali Kheyre, ,Wasaaradda qorsheynta Dowladda Federaalka iyo Midowga yurub.