SAWIRRO:-Golaha Aqalka sare oo Akhrinta 2-aad marsiiyay Sharciga Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida

0

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho,kaas oo ajendihiisu ahaa Akhrinta 2-aad ee Hindise- Sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi,waxaana fadhiga ku wehlinayay Guddomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad.

Fadhiga Golaha Aqalka Sare waxaa ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Xassan Cali Maxamed ,Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor Akhriyay Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Senatorada qaarkood ayaa su’aalo weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga, iyadoo kuwa kalana fikir ku aadan da’da ciidanka iyo xaqsiintooda u gudbiyay Wasiirka

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Maxamed Amar Dambe ayaa su’aalaha ka jawaabay, isagoo dhinaca kale sheegay inuu fikirka Senatarada qaadan doono.

Guddomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad (Bukhaari) ayaa fadhiga soo xeray,wuxuuna sheegay in guddiga Difaaca Aqalka sare uu uga mahad celinayo sida fiican ay ula shaqeeyeen.