SAWIRRO:-Ciidanka Xoogga dalka oo Maleeshiyada Al-Shabaab ka saaray deegaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/hoose

0

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 16-aad ee Danab ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kala wareegay deegaanka  Tooratorow oo hoosyimaada degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalka ayaa ahaa mid qorsheysan oo Ciidanka ay argagixisada kaga sifeeynayen deegaanada ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka G/lle Ismaacil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Inta uu howlgalka  socday Ciidamada ineey  ku qabteen 10-katirsan Maleshiyaadka argagixisada  oo uu ka mid yahay Horjoogihii Maxkamadda Gobolka Shabeelaha hoose Macalin Abuukar oo haatan ku jira gacanta Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray, tooratoorow inay ku taallay maxkamad ay ku baadi jireen Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaasna lagu qaadi jiray lacagaha baadda ah.

Shacabka ku dhaqan deegaanada Tooratoorow iyo Farsooleey ayaa Ciidanka soo dhaweeyay,waxayna codsadeen in la soo gaarsiiyo gargaar, maadamaa Maleeshiyaadka argagixisada Al-shabab dhibaatooyin dhinaca nolosha ah ay kala kulmeen.

Howlgalkani ayaa qeyb ka ah howlgalo Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab  kaga saarayaan aragagixisada deegaanada ay ku dhuumaaleeysanayaan.