SAWIRO:- Wasiir hortegay Xildhibaanada Aqalka Sare

0

Kulankii 28-aad ee Kal-fadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka furmay Magaalada Muqdisho,waxaana Ajandaha kulanka uu yahay Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulanka shir guddookinaya, iyada oo ay ku-wehlinayaan Guddomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Kulanka ayaa waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga XFS Mudane Xassan Cali Maxamed ,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Waxaa haatan ay guda galeen Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS dodooda kuaadan Akhrinta ku aadan Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.