SAWIRO:- Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Ka Socda QM

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) oo socdaal shaqo ku yimid dalka.

Agaasimaha caafimaadka loo dhanyahay, Dr. Peter Salama iyo waliilka Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik ayaa hoggaamiyay wafdiga.

Dr. Peter Salama oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta, ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan caafimaad loo dhanyahay.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa goob joog ka aheyd kulanka dhex maray Wafdiga iyo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre.