Dhinacyada Liibya oo maanta heshiis xabad joojin ah ku saxiixanayo caasimada Ruushka.

0

Dhinacyada isku hayo dalka Libya ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay heshiis xabad joojin ah ku kala saxiixdaan magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka.

Ergooyin kakala socodo dowladda uu caalamku aqoon sanyahay iyo hogaamiyaha mucaaradka General Khaliifa Xaftar ayaa gaaray magaalada Moscow.

Xabad joojintan waxaa horay ugu dhawaaqay madaxwaynayaasha dalalka Ruushka iyo Turkiga oo lakala safan labada dhinac ee isku hayo dalka Libya.

Colaada dalka Libya ayaa sara u kacday bartimihii sanadkii hore kadib markii ciidamo daacad u ah General Xaftar ay soo weerareen magaalada caasimada ah ee Tripoli halkaas oo fadhi u ah dowladda ay Qaramada Midoobey taageerto.