DAAWO-Qaabka Ciidanka Danab ay Xaruntii Alshabaab u Qabsadeen iyo DF oo ka hadashay

0

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee  Danab oo ka tirsan xoogga dalka ayaa  sidii aanu horay u baahinay Waxay maanta la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo aheyd xaruntii ugu weyneyd Alshabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Najax ayaa Xaqiijiyey la wareegidda  Ciidamada Dana ee deegaanka Tooratoorow,  Wuxuuna xusay inay halkaasi ka socdaan Howlgalo Lagu Xaqiijayo Amniga.

Gudoomiye Najax ayaa xusay in deegaankan ay Kooxda Alshabaab ku dhibaatayn Jireen dadka Shacabka ah, Islamarkaana uu deegaankan  muhiima  u yahay inuu soo galo Gacanta Dawladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Hadafka Ciidamadu uu yahay in Sanadka 2020, Guud ahaanba Gobolka Shabeelada Hoose looga saaro Kooxaha Nabad diidka ah, oo dhibaato ku hayey dadka deegaanka.