DAAWO:- Kulankii Cirro, Faysal Waraabe iyo Muuse Biixi oo Natiijo la’aan kusoo dhamaaday

0

Kulankii Xisbiyadda Mucaaridka Wadani iyo Ucid iyo Kulmiye oo dhinac ah ku dhexmaray  magaalada Hargeisa maanta ayaa kusoo dhamaaday Natiijo La’aan,

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo warbixiyey Siday wax u dhaceen maanta  ayaa yidhi

“Maanta waxaan isugu nimid Kulankii Sadexaad Madaxtooyadda,  Waxaanu ka filaynay Madaxwaynaha inuu soo bandhigo wixii u qabsoomay, Balse Wuxuuna go’aankiisu noqday inaanu kala diri Karin gudiga doorashada, islamarkaana aysan fulin doonin go’aamadii gudiga dhex dhexaadinta ee lagu heshiiyey.

Dhinaca kale C.raxmaan cirro ayaa ugu baaqay gudiga doorashada inay is casilaan,  Wuxuuna Baaq u diray beesha Caalamka iyo shacabka Somaliland, Wuxuuna sheegay inay Tallaabooyin Qaadi doonaan Xisbiyadda wadani iyo Ucid.