Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Gaarisa

0

Wararka ay daabacayaan qaar kamid ah warbaahinta dalka kenya ayaa sheegaya in deegaanka kamuthe ee ismaanulka Gaarissa ay weerareen dagaalamayaal loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in kooxihii weerarka fuliyay ay beegsadeen saldhig ciidamo ka tirsan booliska  kenya ay halkaasi ku leeyihiin waxaana lagu soo waramayaa in sidoo kale ay bur buriyeen anteeno ay lahayd shirkada safaricom.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda kenya oo ku saabsan dhacdadaan dhanka kale ilaa haatan cid sheegatay weerarkan ma jirto.