AKHRISO:- Wararkii Ugu dambeyeey Dagaal ka dhacay Magaaladda Kismaayo

0

Faah faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland & Xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka Magaalada Kisamayo.

Dagaalka ayaa yimid,kaddib markii Ciidamada Jubbaland oo howlgal ka wada deegaannada Canjeel iyo Kaba Kibir ee Galbeedka Kismaayo ay weerar kla kulmeen Al-Shabaab,waxaana dadka deegannaadaas ay sheegeen in uu halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan Hal saacadood.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu khasaaro kala duwan kasoo gaarey labada dhinac ee wada dagaalamay,hayeeshee aan sirasmi ah loo cadeyn karin.

Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay dagaalkaas ku dileen lix Askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland,hayeeshee aysan jirin cid madax bannaan oo xaqiijisey.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose weli wax faah faahin ah kaba bixin dagaalka Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhexm-marey duleedka Magaalada Kismaayo.