AKHRISO:- Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dalka Cumaan

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay dalka Cummaan si uu uga qayb-galo tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda aan walaalaha nahay ee Cummaan.

Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Farmaajo uu bil gudaheed ugu ambabaxo dalka dibadiisa,waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kasii sagootiyey Mas’uuliyin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Cumaan waxaa uu sidoo kale la kulmi doonaa suldaanka Cusub ee dalka Cumaan,kaas oo bedeley suldaankii geeriyoodey ee Suldaan Qaamuus Ibnu Siciid Ibnu Tamuur iyo Madax kala duwan oo halkaasi u tageysa tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda Cumaan.