AKHRISO:- Kenya oo War kasoo saartay weerarka ka dhacay duleedka Gaarisa

0

Dowladda Kenya ayaa sirasmi ah u xqiijisey in saddex Macalin lagu diley Weerar Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen deegaanka waaxda Kamuthe e duleedka Magaalada gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari.

Isku duwaha booliska ee gobolka waqooyi Bari Paul Soi ayaa sheegay in weerar dhacay 2:30 Daqiiqo ee xalay lagu diley saddexda Macalin,isla markaana ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku saabsan sida uu u dhacey weerarkaas.

Sidoo kale wararka laga helayo deegaanka waaxda Kamuthe ee gobolka Waqooyi Bari kenya ayaa waxaa ay sheegayaan inay maqan tahay isgaarsiinta Magaalada,kadib markii Al-Shabaab burburiyeen Anteenooyinkii Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom.

Weerarkan ka dhacay duleedka Gaarisa ayaa imaanaya todobaad uun kadib markii sadax afar arday oo soomaali ah lagu dilay weerar ka dhacay iskuulka hoose ee Sareedo oo ku yaal degmada Dadab.