AKHRISO:- Jadwalka doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyey

0

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Galmudug iyaga oo dhammaan 15ka xubnood ee Guddiga ay si wadajir ah u ansixiyeen.

Qoraal kasoo baxey guddiga ayaa lagu sheegay in qabashada araajida ay bilaabaneyso 14-ka Bishana kuna egtaya 15-ka,sidoo kale dhageysiga khudbaha musharixiinta ay dhaceyso 16-ka Bishaan oo ku beegan Khamista soo socota.

Ugu dambeyn waxaa ay Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug shaaciyeen in doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo dhaarinta ay dhaceyso 17 Bishaan oo ku beegan Maalinta Jimcada ah.