AKHRISO:- Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Tooratoorow

0

Ciidamada dawladdda Soomaaliya ayaa la sheegay inay saaka qabsadeen degaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose,halkaas o ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamadan degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Sanadkii tagay ciidamada dowladda ayaa qabsaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qabsashada Tooratoorow oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.