Waa kuma Madaxwaynaha ay Galmudug u baahan tahay Xiliga iyo Sifooyinka laga Rabo

0

Waxaa shalay la dhaariyay inta badan xildhibaanada Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug kuwaas oo u badan dad dhalinyara ah oo aqoon leh kana duwan kuwii iyaga ka horeeyay inkastoo qaarkood la sheegayo in ay si sharci darro ah oo hanaanka saxda ah dhinac marsan ay ku noqdeen xildhibaano haddana mar haddii la dhaariyay sidaas ayay ku xaroodeen oo ay ku noqdeen xildhibaano sax ah.

Xog aruurin gaar ah oo aan ku sameeyey guuxa xildhibaanada cusub kuna aadan nuuca musharax madaxweyne oo ay daneynayaan ayaa waxay intooda badan isaga mid ahaayeen in ay qasabtahay  in musharaxa Madaxweynaha ee xilligaan Gal-mudug u baahantahay uu lahaado sifooyinkaan:

In uu yahay nin deegaanka yaqaana, xog ogaalna u ah muddooyinkii lasoo dhaafay duruufihii Amni & kuwi siyaasadeed ee ka jiray Gal-mudug.

In uu leeyahay aqoon iyo karti uu ku maamuli karo howlaha Dowladda Gal-mudug oo xillgaan u baahan qof ka duwan kuwii hore u soo maray aragti fogna leh.

In uu yahay mid ka dhex yimid bulshada Gal-mudug ee aan kor laga soo tuurin, kalsoonidana ka raba xildhibaanada iyo shacabka reer Gal-mudug oo iyagu ah cidda uu madaxweyne u noqon doono.

In uusan ka mid aheyn ururada siyaasadeed ee Dalka ku hardamaya oo uu yahay nin ka madax banaan is qabqabsiga siyaasadeed ee Muqdisho ka jira( muxaafad & mucaarad) si arrintaas saameynteeda looga ilaaliyo Gal-mudugta cusub ee aad u nugul oo aan xamili karin culeys intaas la eg.

in uu yahay qof isku wadi kara dhamaan dhinacyada kala duwan( xisbiyada siyaasadeed, culimada, Beelaha, iyo deegaanada) kala duwan ee Gal-mudug.

in uu yahay qof Amniga iyo Dowlad dhisidda garanaya maadaama caqabadaha Maanta heysta Gal-mudug ay ugu waaweyn yihiin Amni darro iyo dhisma la’aanta Hay’ado Dowladeed, arrimahaas oo sababay horumar la’aanta baahsan ee deegaanka ka jirta.

In uu qorsho iyo barnaamij siyaasadeed leeyahay oo lagula xisaabtami karo ee uusan iska socon, sidoo kalana uu aragti ka leeyahay xoreynta deegaanada ay Al-shabaab heysato, iyadoo ay jirto guux ku aadan in Xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada ay Al-Shabaab heystaan ay shuruud adag ka dhigayaan inuu madaxweynaha soo socdo ee Galmudug awood u leeyahay inuu deegaanadooda u xoreeyo.

Waxaxaa la filayaa in Bishaan Janaayo gudaheeda lagu soo gabagabeeyo doorashada Gal-mudug guud ahaan, waxaana jira Musharixiin aad loo hadal hayo oo tartan adag uu ku dhex mari doono halkaas sida Musharax Gen. Tuuryare oo aqoon duruqsan u leh dhanka Amniga isla markaasna ah musharaxa Al-Shabaab ka saari karo deegaanada laga heysto Galmudug, Cabdiraxmaan Odawaa oo ah musharax u taagan Galmudug horeyna qeyb uga ahaa dhisidda Galmudug,  Axmed Qoorqoor oo ay Dowladda wadato iyo kuwa kale.

Waxyaabaha Doorashadaan ay uga badalan tahay doorashooyinkii ka horeeyay waxaa ka mid ah in Gen Tuuryare oo ah  musharax kasoo jeeda Deegaanada Ceeldheeer &  Galcad  uu ka mid yahay musharaxiinta ugu muhiimsan ee u taagan  xilka madaxweynimada Gal-mudug, arrinkaas oo muujinaya Gal-mudug ka duwan tii hore oo furfuran.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali Xasan