Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii Marxuum Axmed-Kayse

0

War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayuu madaxweyne Farmaajo tacsi ugu diray qoyska iyo ehellada Allaha u xariistee Axmed-Kayse Xaaji Ducaale oo ka mid ahaa xubnihii saxiixay xornimadii Gobollada Waqooyiga ee dalka sannadkii 1960-kii.

Sidoo kale midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ayuu kaalin weyn ka qaatay marxuumku sida lagu sheegay taariikhda, isagoo ka soo mid noqday golihii wasiirro ee ugu horeyey ee uu yeeshay dalka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa Arbacadii la soo dhafay ku geerriyooday dalka Mareykanka, isaga oo da’diisu tahay 92-sano jir.

Halkan ka akhriso warka ka soo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula hadlay Marwo Qamar Cabdulqaadir Faarax oo ah xaaskii Alle ha u naxariistee Axmed-Kayse Xaaji Ducaale ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka.

Madaxweynaha oo sidoo kale tacsidan khadka taleefanka kula wadaagay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadra Axmed Xaaji Ducaale ayaa dhammaan xubnaha qoyska Eebbe uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo geerida naxdinta leh ee marxuumka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halgamaa Axmed-Kayse Eebbe uga baryey inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdawsa isaga oo xusay doorkii weynaa ee uu ka soo qaatay xornimada Gobollada Waqooyiga iyo sidii uu waqtigiisa ugu huray midnimada dalkiisa iyo shacabkiisa Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee halgamaa Axmed-Kayse waxa uu kamid ahaa xubnihii saxiixay xornimadii Gobollada Waqooyiga sannadkii 1960-kii isaga oo sidoo kalena xubin ka noqday Barlamaankii ugu horreeyay ee maxmiyaddii Ingiriiska ee Waqooyiga.

Marxuumku waxa uu midowgii labada gobol kaddib kamid noqday Golihii Wasiirrada ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa halgankii dheeraa ee uu u galay xornimada ummadda Soomaaliyeed iyo ka qaybqaadashada dowlad-dhiska Soomaaliya.