DHAGEYSO:-Dhacdo Murugo leh oo Baydhabo Ka dhacday iyo Wararkii u danbeeyay

0

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in dab qabsaday guri ay ku dhinteen Aabe iyo labo wiil oo uu dhalay.

Dabka oo xilli habeenimo ah guriga qabsaday ayaa la awoodi waayay in laga soo badbaadiyo aabaha iyo labadiisa wiil oo da’adooda lagu sheegay 8 sano jir iyo 10 sano jir.

Wararku waxay sheegayaan  in qoyska ay ka badbaaday hooyada reerka oo xaamilo ah waxaana laga deyrinayaa xaalada caafimaad ee haweeneydan oo haatan xaalad miyir la’aan ah ku jirta.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay dabka hase yeeshee sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Baydhabo,aabaha reerka ayaa ka ganacsan jirey shidaalka bansiinka loo yaqaan.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamul goboleedka Koofurgalbeed ayaan lahayn gaadiidka dabdamiska, waxayna kamid tahay magaalooyinka ugu waawayn dalka, Islamarkaana waxaa ka howlgala maamul dhaqaalle badan uu soo galo.