AKHRISO:- Telefishinka Iran oo shaaciyay in 80 askari lagu dilay weerarkii Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq

0

Telefishinka dalka Iran ayaa shaaciyay in 80 askari oo Mareykan ah ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhigyo Ciidamada Mareykanka ku lahaayeen dalka Ciraaq.

Telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in illaa 15 gantaal oo lagu weeraray labo saldhig oo Mareykanka lahaa aanan midna dhexda laga qaban ama la iska difaacin.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu khasaare ka soo gaaray diyaarado Helicoptero iyo agabyo kale oo Mareykanka lahaa.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in 100 bartilmaameedyo oo ku yaal Gobolka oo Mareykanka xarumo ku leeyahay ay beegsan doonaan haddii uu Mareykanka qaado tallaabo aar-gudasho

Labada Saldhig ee la weeraray Al-Asad iyo Erbil ayaa ka mid ahaa xarumaha ciidan ee Milateriga Mareykanka ku lahaa dalka Ciraaq, waxaana ay ahaayeen goobaha laga qorsheyn jiray duulaanka Kooxda ISIS.

Sidoo kale waxaa ku sugnaa saldhigyadaas illaa 1,500 oo ciidamo Mareykan ah iyo xulafadiisa.