Mareykanka oo sheegay in weerarkii Saldhigga Lamu aysan ku lug laheyn Iran

0

Dowlada Mareykanka ayaa war ay ka soo saartay weerarkii saldhigga milatari ee Manda Bay ee gobolka Lamu ku sheegtay in weerarkaas aysan wax lug ah ku lahayn dowlada Iran.

Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa beeniyay warar ay warbaahinta qaarkood ay ku sheegayeen in laga yaabo weerarka Axadii lagu qaaday saldhigga Manda Bay ay ku lug leedahay dowlada Iran.

Maraykanka iyo Iran ayaa xiisad adag ka dhex taagan tahay kadib markii Jimcihii aynu ka soo gudubnay lagu diley weerar cirka ah General Suleymani oo ahaa sarkaalka ugu sareeyay ee ciidamada dalka
Iran.

“Taliska Mareykanka ee Africa ma go’aamin in weerarkii shalay ee ay Al-Shabaab qaadday uu xiriir la lahaa Iran,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu yiri, “inkastoo aan Iran looga shakisneyn in ay ku lug lahayd weerarkaasi,haddana Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa waxa uu arkay wadamo kale oo ay ku jirto Iran iney sii kordhinayaan saameyntooda gobolka Geeska Africa.”

Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la wiiqo awoodda kooxaha argagixisada ah si aysan markale awood ugu helin iney khatar geliyaan amaanka Mareykanka, muwaadiniinta Mareykanka, xulufada caalamiga ah iyo iney qalalaaso amni xumo ah ka abuuraan gobolka Bariga Africa.

Weerarkan ayaa waxaa dadka ku dhintey ka mid ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Maraykanka iyo labo ruux oo Maraykan ah balse la shaqeynayay ciidamada.