Soomaaliya ayaa ka mid noqotay Isbaheysiga dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya uu dhisay.
Isbaheysigan cusub ayaa waxaa ku mideysan illaa sideed dal oo isugu jira dalal carbeed iyo Afrikaan xad la leh Badda Cas iyo Gacanka Cadan, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal la doonayo in lagu xoojiyo iskaashiga iyo is dhex galka dhaqaale ee Gobolka.
Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Sacuudi Carabiya, Suudaan, Soomaaliya, Jabuuti, Masar, Urdun, Yemen iyo Eritrea ayaa saxiixay Axdiga Golaha ee loogu gogol xaarayo shirka Madaxda wadamadan ee dhowaan la qabanayo.
Kulanka Wasiiraddan arrimaha dibadda ee dalalka ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo Isniintii ka dhacay magaalada Riyadh ayaa looga hadlay fursadaha ay ku wada shaqeyn karaan iyo istiraatiijiyad lagu xaqiijinayo labada marin ee muhiimka, ah sidoo kale waxaa laga soo horjeestay danaha siyaasadeed iyo maalgashiga iyo sidii loo wajihi lahaa faragelin shisheeye ee Badda Cas iyo Gacanka Cadan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya Amiir Faisal bin farhan ayaa sheegay inay daneynayaan in xaalada gobolka ay noqoto mid degan oo aysan sii kicin mushkiladaha adduunka ka jira.
Soomaaliya ayaa meel muhiim ah kaga taal labada marin ee Gacanka Cadan iyo Badda Cas, waxaana muuqata in loolanka juquraafiga siyaasadda ee ka jira Gobolka inuu ka dhigi karo meel aad muhiim ugu noqon karta dalalka Caalamka, marka laga eego Istiraatiijiyad ahaa halka ay Soomaaliya ku taalo.