Cabdi Cabdullaahi Axmed “Cabdi-Dheere” oo ka mid ah musharxiiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa magaalada dhuusamareeb waxaa uu kulan kula qaatay madaxda Sare ee Ururka Ahlusunna Waljamaaca.
Kulanka uu Cabdi-Dheere la qaadanayay bulshada Galmudug ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan Magaalada Dhuusa-mareeb oo caasimad u ah Maamulka Galmudug.
Mudane Musharrax Cabdi Cabdullaahi Axmed “Cabdi-Dheere” oo ka mid ah musharraxiinta la filayo inay qabtaan hoggaanka maamulka Galmudug iyo Hoggaamiyaha Ahlusunna ayaa is-afgarad buuxa ku gaaray sidii Galmudug ay u yeelan lahayd maamul adag oo ka shaqeeya danaha Reer Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhawaan waxaa la filayaa in ay ka dhacdo doorashada dowlad goboleedka maamulka Galmudug.