Bariga dhexe oo galay Xaalada Kala Carar ah iyo Muwaadiniinta Maraykanka oo Wadnaha Farta ku haya

0

Dawladda Iiraan   ayaa ku hanjabtay “aargudasho darran”, waxaana ay sheegtay in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha dilka mid ka mid ahaa taliyayaasheedii sare, Jeneral Qasem Soleimani.

Waxaa meel xun gaartay xiisada u dhaxeysa Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan kadib markii diyaaradaha dagaalka Mareykanka Duqeyn ku dileen sargaal sare oo katirsanaa ciidamada kacaanka Iiraan.

Muwaadiniinta Mareykanka u dhashay ee ku sugan dalka Ciraaq iyo dalal kale oo carbeed ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan, waxaana laga cabsi qabaa in Iiraan aargoosi kula dhaqaaqdo Muwaadiniinta Mareykanka.

War qoraal ah oo kasoo baxay  Safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad ayaa looga dalbatay muwaadiniinta Mareykanka inay si deg deg ah uga baxaan dalka Ciraaq sidoo kale ay sameeyaan feejignaan.

Madaxii hore ee sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in uusan arkin sabab ay Iiraan uga falcelin weydo dilkii loo gaystay Qaasim Sulaymaani, waxa uu sidoo kale sheegay in uu aaminsanyahay in muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe ay ku jiraan xaalad xun.

“Waxaan aaminsanahay in muwaadiniinta Maraykanka, milateri ama diblomaasiyiinba joogta bariga dhae  ay hadda cabsi weyn dareemayaan.” ayuu yiri Madaxii hore ee Sirdoonka Mareykanka.

Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Wadamo kuyaala Bariga Dhaxe ayaa hada dareemaya cabsi xoogan, waxaana muwaadiniinta qaarkood la sheegay in ay boorsaooyinkooda xir xirteen si ay uga bad baadaan aargudasho Iiraan katimaad.