Weerar lagu qaaday saldhig ciidan magaalada Gaalkacyo

0

Wararka naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in laba askari iyo qof shacab ah uu dhaawac soo gaaray, ka dib markii bam-gacmeed lagu weeraray saldhiga magaalada Gaalkacyo.

Kooxihii weerarka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana Isbitaalka guud loo qaaday dadkii ku dhaawacmay.

dhinaca kale waxaa goobta qaraxa uu ka dhacay la wareegay ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo