Akhriso:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Magacaabay Guddi Cusub

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Webiga Shabelle (Shabeelada Hoose).

Guddigan uu magacaabay Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa ka kooban 12-xubnood oo dhammaan ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Sidoo kale Wareegtada Magacaabista ayaa waxaa Xoghayaha Golaha Shacabka lagu faray inuu Gudiigan u fududeyo wixii tasiilaad ah oo u baahnaa.