TOP NEWS:-Xildhibaano ka hadlay heshiiska JFS & Ahlusunna

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa deegaan doorashadoodu tahay deegaannada Galmudug ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna ka gaareen dhismaha Maamulka Galmudug.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo heshiiska labada dhinac,isaga oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uga mahad celiyey sida loo xaliyey tabashada Ahlusunna.

“Waxaan soo dhawaynayaa heshiiska laga gaaray kala aragti duwanaanshihii dowlada federaalka iyo Ahlu Suna ee dhismaha Galmudug,waxaa u mahadcelinayaa RW Kheyre ,Wasiirka arrimaha Gudaha Xildhibaanadii iyo Ganacsatadii ka shaqeeyay oo waqti badan geliyay sidii arintaan loo xalin lahaa ayuu yiri” Xildhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaan Cabdiraxamaan Maxamed Xuseen Odawaa kana mid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ayaa dhankiisa bogaadiyey heshiiska,isaga oo amaanay dhamaan dhinacyadii ka qeyb qaatay heshiiska.

“Waxaan bogaadinayaa Heshiiska Siyaasadeed ee ay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Suna Waljamaaca ka gaareen geedi socodka maamul u sameynta Galmudug, axaan amaanayaa dhamaan masuuliyiintii iyo indheer garadkii gacanta ka geysatey wada xaajoodkii dheeraa ee arinkan xalka looga gaarey ayuu yiri”Xildhibaan Odawaa.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in inta dhiman ee Geedi socodka uu ahaado mid dhala Galmudug mid ah oo loo dhan yahay.

Mareykanka, Siyaasiyin farabadan,Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhaweeyey heshiiska ay dowladda Federaalka iyo Ahlusunna ka gaareen dhismaha Maamulka Galmudug.