SAWIRRO:-Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday Heshiis Cusub

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Safiir ku Xigeenka Dowladda Masar Mohamed Emad El-Gindy iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Bangiga Masar (Banque Misr) oo uu matalaayey Maareeye ku Xigeenka Maamulka Bangiga Masar, Mohamed Gamal Mohamed.

Qunsulka Masar ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Fududeeynta howlgalinta Bangiga Masar ee xafiiskiisa Soomaaliya dhawaan laga furi dooono magaalada Muqdisho, waxa uuna xusay in ay diyaar u yihiin soo celinta xiriirkii ganacsi ay la lahaayeen Soomaaliya, dhankoodana ay u fududeyn doonaan dal ku galka ganacsatada Soomaaliyeed ee doonaya in ay arrimo ganacsiga la xariira ugu safraan dalka Masar.

Dhankiiisa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa soo dhaweyn ka dib uu sheegay Safiir ku Xigeenka Dowladda Masar iyo madaxdii ka socotay Bangiga Masar (Banque Misr) in Wasaaraddiisu ay diyaar u tahay la shaqeynta iyo fududeeynta dhamaan shirkadaha ganacsiga ee daneynaya in ay maalgashiga ka sameeyaan Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sidoo kale wafdiga u xaqiijiyey in Wasaaraddiisu ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso cid walba oo daneyneysa in ay ka sameyso Soomaaliya maalgashi iyo ganacsi, Soomaaliduna ay yihiin dad Ilaahey ku manneystay khayraad dihan iyo hibo ganacsi.