Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo dhoweeyay Heshiiska laga gaaray arrimaha Galmudug

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).

Heshiiska oo ku yimid wada hadal dheer oo dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo ASWJ oo ay gacan ka gaysteen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada dhan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul u adeegga shacabka reer Galmudug. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan bulshada reer Galmudug in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul gacannna ka gaystaan hirgelinta heshiiskan.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay ASWJ dadaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

Ugu dambayntii waxa uu u mahad celiyay cid walba oo Soomaaliyeed oo gacan ka geysatay heshiiskan iyo xubnaha beesha caalamka oo mar walba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.