Garoomada diyaaradaha Kenya oo la xirayo

0

Garoomada Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport iyo Wilson Airport oo si Kumeel gaara loo xiri doono maanta oo Khamiis ah.

Garoomada diyaaradaha ee dalka Kenya ee kala ah JKIA iyo Wilson ayaa khamiista si kumeel gaar ah loo xiri doonaa munaasabadaha Maalinta Jamhuri owgeed.

Gegada Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ayaa la xirayaa hal saac inta u dhexeysa 11ka subaxnimo iyo 12ka duhurnimo xilligaas oo aysan jiri doonin wax duullimaadyo ah oo ka soo dagaya ama ka duulaya.

Maddaarka Wilson, dhinaca kale, waxay isna la xiri doonaa 5-saac ah inta u dhaxaysa 9-ka ilaa 2-da duhur.

Diyaaradda Fly 540 iyo shirkadaha duullimaadyada ee EastAfrican waxaa la ogeysiiyey Arbacadii, waxay kula taliyeen macaamiisha ballansan duullimaadyada xilliyada la xusayay in safarkoodu dib u dhici doono.

Dabaaldegyada Maalinta Jamhuri ee Sannadkan ayaa lagu qabandoonaa Nyayo National Stadium ee Gobolka Nairobi iyadoo dabaaldagu aad u weynaan doono.