Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Kenya

0

Ugu yaraan Shan Qof ayaa ku geeriyootay, 62 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray markii ay isku dhaceen Laba Bas inta u dhexeysa Magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee Dalka Kenya.

Taliye, Joseph ole Napeiyan, oo ka mid ah saraakiisha Boliiska ee Gobolka Xeebta ayaa sheegay in uu dhacay 2;40 Am, iyadoo Dadkii ku dhaawacmayna loo qaaday goobaha caafimaadka.

Saraakiisha Ciidanka Waddooyinka ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Saddexdii Todobaad ee ugu dambeeyay ay Toaban shil ka dhaceen dhabbaha isku xira Nairobi iyo Mombasa.