DHAGEYSO:-Isimada Puntland ee gobolka Mudug oo baaq nabadeed kasoo saaray colaada Towfiiq

0

Isimada iyo nabadoonada gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaada ka jirta degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, halkaasi oo degaano hoos yimaada ay ku dagaalameen labo beelood oo walaalo ah.

Shir jaraa’id oo ay warbaahinta u qabteen ayay ku baaqeen in labada beelood ee dagaalamaya nabada qaateen islamarkaana ogaadaan in aan dagaal cidina guul ka gaari karin in lagu dhamaado mooyee.

Isimada waxay odayaasha Galmudug usoo jeediyeen in ay kaalin ka qaataan sidii colaadaas loo damin lahaa islamarkaana waxay sheegeen in Isimada Puntland ay diyaar u yihiin tilaabo kasta oo nabada lagu taageerayo laguna dhameynayo colaada.

Waxaa madasha laga sheegay in dad ku dhow 100 qof ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen intii dagaaladu ay socdeen, sidoo kale tiro intaas ka badana ay ku barakaceen.

Ugu dambayn waxay sheegeen Isimadu in ay diyaar u yihiin inay dhigaan gogol nabadeed oo lagu heshiisinayo labada beel ee colaada dhextaalo mudada dheer, si nabad loo dhex dhigo.

ALLGG