Dawladda Qatar oo War kasoo Saartay Weerarkii ka dhacay Muqdisho

0

Dowladda Qatar ayaa cambaareysay Weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotel SYL oo ku yaalo agagaarka madaxtooyada Villa Somalia kaasoo ay ku dhinteen dad badan kuwa kalana ay ku dhaawacmeyn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa mar kale ku celisay sida ay uga xun tahay falalka guracan oo ay argagixisada sameenayaan iyadoo aan la fiirineyn natiijada xun ee ka dhalaneyso.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa tacsi usoo dirtay ehelada ay dhibaatada soo gaartay, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed iyadoo Alle uga barisay inuu caafimaad deg deg ah siiyo kuwa ku dhaawacmay.

Al-Shabaab ayaa Xalay weerar  ku qaaday Hotel SYL oo ay dagan yihiin Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya, wuxuuna Hotelkaas ku yaalaa meel amnigeeda aad loo ilaaliyo iyadoo weli la iswaydiinayo sida ay ugu suurtagashay inay Alshabaab soo weeraraan.

Dowladda Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Dowladda Soomaaliya,  waxayna Gacan ka gaystaa Horumarka kala duwan ee ka socda dalka.