Al-shabab oo sheegay in ay saanad ciidan ku qabsadeen weerarka Saldhigga Hiilweyne

0

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in ugu yaraan afar ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhigga Hiilweyne oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku qabsadeen saldhigga halkaasna dab ku qabadsiiyeen Teendhooyinkii Ciidamada ay degganaayeen kana qaateen hub iyo saanad kale oo Ciidanka u taallay Saldhigga.

Warar kala duwan oo ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Balcad ay diideen in intii uu socday dagaalka ay u gurmadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ee la weeraray.

AMISOM ayaa ku cudur daaratay in ay ahayd xilli Habeen ah kana baqeyso in weerar jid gal ay ku sameeyaan AL-shabaab.

Ciidamada AMISOM iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ah ayaa lagu wadaa in ay saaka tagaan Saldhigga Hiilweyne ee ay xalay weerareen dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

allgg