AKHRISO:- Wasiir Beyle oo la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan laqaatay Wakiilka Qamada Midoobe ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

Wasiir Beyle iyo Ambassador James ayaa kawadahadlay dib u habeynta iyo Hormurka Maaliyadda dalka iyadoo la adeegsanayo Hanaanka SMP4.

“Kulan muhiim ah ayaan maanta X.Wasaaradda Maaliyadda kula yeeshay wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Christopher Swan oo aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta iyo horumarka Maaliyadda Dalka iyadoo la adeegsanayo hanaanka SMP4 .”

“Waxaan ku faraxsanahay wada shaqeynta iyo taageerada joogtada ah ee hey’ada ha Qaramada Midoobay ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya.