Akhriso:-Sheekh Shaakir oo ka hadlay heshiiska laga gaaray dhismaha Galmudug

0

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa Maanta shaacisay heshiis rasmi ah oo Ahlusunna iyo Dowladda ka gareen dhismaha maamulka Galmudug,waxaana heshiiskaas soodhaweeyey hoggaanka Ahlusunna.

Qoraal kasoo baxay Madaxa Xukuumadda MaamulkaGalmudug ayaa lagu sheegay in hoggaanka Ahlusunna ay u tanaasuleen danaha Shacabka Galmudug,isla markaana ay ogolaadeen in 20 xildhibaan laga siiyo Xildhibaannada Cusub ee Galmudug.

Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa uu uga mahad celiyey dadaalada ay ku bixisay dhismaha Galmudug,waxaana uu Shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay.