AKHRISO:- Maamulka G/Banaadir oo ka Shirey weerarkii Hotelka SYL

0

Shirka amniga Caasimadda ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir iyadoo wax la iska weydiiyay Weerarkii Habeen ka hor lagu qaaday Hotellka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo shirka gudoominayay ayaa tilmaamay in la iskula xisaabtami doono sugida amniga islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo qorshaha nabadgalyda Caasimadda.

Shirka waxaa ka qayb galay saraakiisha u xilsaaran amniga caasimadda Soomaaliya ee Magaalada muqdisho.

Weerarkii Habeen ka hor lagu qaaday Hotellka SYL ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab, iyaga oo sheegay inay ku dileen Saraakiil ka tirsan Dowladda.