Akhriso:-Heshiis Laga Gaaray Khilaafkii DFS Iyo Ahlu-Sunna

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa looga hadlat war Murtiyeed Maanta laga soo murtiyeed lagu sgeegay in laga heshiiyay khilaafkii labada dhinac.

Dowladsa Fedraalka iyo Ahlu-sunna ayaa Isku hayay muddooyinkii dambe tirada xildhibaanada ee lasiinayo Ahlu-sunna iyada oo dood dheer ay dhalisay 35-xildhibaan oo Ahlusunna ay dalbadeen in laga siiyo Xildhibaanada cusub halka dowladdana la sheegay in ay u ogoleyd 15-Xildhibaan.

Qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Gabi ahaanba laga heshiiyay khilaafkaas iyada oo ay jireen kulamo joogta ah oo aan loo kala kicin iyada oo ay ka qeyb qaadanayeen Odayaal dhan,Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu sheegay in Ahlu-sunna lasiiyay 20-xildhibaan waxaana wasaaraddu uga mahadcelisay dhinaca Ahlu-sunna dhabar adeygii iyo dadaalkii dhismaha maamulka Galmudug.