SAWIRRO:-Shirka Nabadda Waarta iyo Horumarinta Afrika oo ka furmay dalka Masar

0

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Aswan ee dalka Masar uga qayb galay furitaanka madasha Aswan ee nabadda iyo horumarka waara oo hindiseheeda uu lahaa madaxweynaha dalka Masar, ahna guddoomiyaha midawga Afrika, Abdel Fattah al-Sisi.

Madasha oo loo aasaasay in lagu horumariyo nabada, amniga iyo horumar waara oo Afrika ay ku naallooto, loona qorsheeyay in sannadkiiba mar la qabto, ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay madaxweynaha Masar, iyada oo lasoo xirayo maalinta berri ah, lagana soo saarayo war-murtiyeed lafu faah-faahinayo waxyaabihii looga hadlay.

Ajandayaasha ugu muhiimsan ee madasha sanadkaan looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah xariirka ka dhexeeya nabadda waarta iyo horumarka waara si isbedel dhab ah loogu sameeyo nolosha bulshada Afrikaanka ah, loona abuuro rajo wanaagsan

Madasha Aswan ayaa noqoneysa madal ay isugu yimaadaan bulshada kuweeda go’aannada leh, hoggaamiyayaasha fikirka, bulshada rayidka ah, aqoonyahanka iyo ganacsatada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada arrimaha dibadda iyo maareynta musiibooyinka ayaa inta ay ku suganyihiin madasha Aswan waxa ay kulamo doceedyo la qaadanayaan qaar kamid ah madaxda kale ee madasha isugu yimid.