DHAGEYSO+SAWIRRO:-Askar Iyo Masuuliyiin ku dhintay Weerarka Hotelka SYL Iyo Ciidamada oo soo Afjaray Weerarkii

0

Warar dheeraad  ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Weerarkii lagu Qaatay Hotelka SYL Waxaana Halkaasi ku Nafwaayey Qaar kamid ah Ciidamada Xooga dalka oo Dad badan kasoo Badbaadiyey Weerarka iyo Dad kale oo ku sugnaa Hotelka.

Alle ha naxariistee waxaa dadka Weerarka ku dhintay kamid ah Garyaqaan Abdikadir Sh Cumar Abdi oo la sheegay inuu  ka tirsanaa Garsoorka Maxkamadda Racfaanka.

Sidoo kale waxaa ku geeriyooday Weerarka Sarkaal lagu magacaabo  Maxamuud Ismaaciil Warsame (Muuf)  oo lagu sifeeyay inuu ahaa Wadani, Dad jacayl iyo Naxariisna kaa buuxday, Sidoo kale waxaa Weerarka ku Nafwaayey LIIBAAN oo ahaa askari ka tirsan Ciidamada.

Inkastoo aan Weli si rasmi ah loo Xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee Weerarku gaystay, hadana magacyada ay Warbaahinta Kalshaale idiin soo gudbisay iyo Sawiradoodu waa kuwa la xaqiijiyey ilaa hada.

Waxaa lasoo o afjaray Howlgalkii Hotel SYL, waxayna Ciidanku dileen dhamaan Kooxdii Weerarka soo qaaday.

Ciidamadda Ururka 60aad ee Madaxtooyadda, Booliska, iyo Ciidanka Gaashaan oo howlgalka dib uga soo biiray waxay hadda si buuxda ula wareegeen Dhismaha Hotelka SYL ee Weerarka Qorshaysan lagu qaaday.