DHAGEYSO:-Khadiija Diiriye “doorasho qof iyo cod ah ma dhici karto”

0

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa ka hadashay dooda sharciga doorashooyinka oo haatan horyaala golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in dalka aaney ka dhcii Karin sanadka soo socda doorasho qof iyo cod ah, iyadoo doodeeda sal uga dhigtay inaan jirin tira koob sax ah, sidoo kalena aan la tagi Karin deegaanada qaar oo ay joogaan dadkii codadka dhiiban lahaa.

“waad ogtihiin cirka iyo dhulka hadii la isku dhajiyo inaan doorasho dheceyn, inaan Jinsiyad jirin Yaa Soomaali ah, inaan tira koob jirin, inaan Xisbiyo sharciyeysan jirin, inaan dowlad goboleedyadii sharciyadood kahor sharci u sameyn, waan ognahay inaan amni ka jirin dalka guud ahaan Lowya Cade ilaa Raaskambooni, sidaas daraadeed hal qof iyo hal cod ma dhici karto” ayey tiri Xildhibanaada oo si adag ula hadashay Baarlamaanka.

Wasiir Khadiija ayaa dhaliil xooggan u jeedisay Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, iyadoo ku eedeysay iney isku dayayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan howsha ah socodsiinta doorashada, xili Baarlamaankan 10-aad aanu wali waqtigiisa dhamaan.

Waxa ay tilmaamtay iney ka fiirsan doonaan sidii ay ugu aamini lahaayeen doorashooyinka, iyadoo sabab uga dhigtay iney la kala safanayaan dhinacyada ka qeyb galaya doorashada soo socota ee dhaceysa 2020/21.

“Guddiga doorashooyinka wuxuu sii hor ordayaa Baarlamaanka oo uu leeyahay Xisbiyadii intuu shiriyo awoodiinii baa la qaadanayaa, Awooda maanta waxaa iska leh labada aqal ee sharcigaan dhex yaala, Guddiga iyo Gudoomiyihiisana waan ka fiirsaneynaa sidii loogu aamini lahaa sharcigii doorashada, maadaama sifo aan sharci eheyn ku shaqeynayaan.” Ayey tiri Wasiir Khadiijo.

Khadiija Maxamed Diiriye oo sii hadleysa ayaa dhinaca kale sheegtay iney jiraan howlo ay eheyd iney qabato dowladdan mudadii Saddexda sano ee jirtay oo aan wali la qaban, iyadoo Baarlamaanka ku sifeysay iney yihiin Maroodi aan awoodiisa la tusin.

“sanad kaliyaa noo haray mudada xil heynteeda, waxey eheyd iney dowladdaan qabato Saddexdii sano ee la soo dhaafay guud ahaan inagoo isku duuban inaa soo qabano howlo cayiman, Maanta waxaa inoo began Suus, Suuskaas inoo beegan Saddex sano wax inoolaga rabay oo aan soo qabanay si wadajir ah ayaa jira” ayey tiri Xildhibaanada.