Baalamaanka oo u yeeray Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa 15-ka bishan looga yeeray inuu hor-yimaado Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan sharciyada Warbaahinta Qaranka.

11 Xildhibaan ayaa Mooshin ka keenay Wasiirka, iyagoo qoraalka mooshinka ku soo lifaaqay dhowr qodob oo ku saabsan habdhaqanka Warbaahinta Qaranka iyo in aanay si cadaalad oo siman u soo bandhigin doodaha Golaha Shacabka, iyadoo Telefishinka SNTV laga sii daayo khudbadaha Xildhibaanada taageersan Xukuumadda.

Dhowaan ayaa waxaa hortagay Baarlamaanka Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka dowlada federalka iyadoo su’aalo ay weydiiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada federalka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalada la xiriira  mooshinka Wasiirka Warfaafinta Waare.