Akhriso:-Taliska Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray weerarkii Hotel SYL

0

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray weerarkii ay shan dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladdu ay ku guuleysteen inay soo afjaraan weerarkaas, waxaana warka ka soo baxay taliska booliska loogu mahad celiyey shacabka oo ay sheegeen inay ka qeyb qaateen nabad galiyada.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka inay dhimashadu tahay shan ruux oo labo askar tahay, halka dhaawacu yahay sagaal ruux oo labo askar tahay.

Halkan ka akhriso warka ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.