AKHRISO:- Maamulka Hir-Shabeelle oo cadeeyey mowqifka Doorashooyinka 2020/21

0

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta Lix qodob kasoo saarey mowqifkooda ku aadan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Sanadka 2020/21.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa lagu cadeeyey in aan la aqbaleyn muddo kororsi,sidoo kalena doorashada ay dhamaan ka wada qeyb qaataan Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Hir-Shabeelle ayaa Warsaxaafadeedka ku cadeysay inay la socdaan dooda Xildhibaannada ee Sharciga doorashooyinka,isla markarkaana Hir-Shabeelle ay garwaaqsan tahay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo jilicsan oo kasoo kabanaya Colaad.

Ugu dambeyn War-Saxaafadeedka ayaa looga codsaday saamileyda Siyaasada Soomaaliyeed ee xilal doonka ah inay horyimaadaan dadka ay matalaan una soo gudbiyaan fekerkooda si ay cod uga helaan.