AKHRISO:- Kulamo Xal Loogu Raadinayo Colaada Mudug Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa xalay waxaa kulan ku yeeshay Taliyaha Ciidanka lugta ee Xoogga dalka Soomaaliya C/xamiid Maxamed Dirir, Waxgarad iyo Mas’uuliyiin kale oo ku sugan Gaalkacyo.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha qaybta 21-aad Gen C/Casiis C/llaahi Qooje iyo Taliyaha Guutada 15-aad Gen. Mascuud Maxamed, kuwaasi oo shalay gaaray Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta iyo Waxgaradka Gaalkacyo ayaa siweyn uga shiray sidii loo soo afjari lahaa Codaalada dhiiga uu ku daatay ee kasoo cusboonaatay Mudug, isla markaana ciidamo isku dhaf ah loo kala dhex-dhigi lahaa Maleeshiyaadka halkaas ku dagaalamay.

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga dalka iyo Saraakiisha ku sugan Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in Maanta ay gaaran deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug ee dhinaca dowlad Goboleedka Puntland.

Si kastaba dagaalkii ka dhacay Mudug ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 ruux, halka ay tirro intaas kaban ay ku dhaawacmeen, waxaana Maleeshiyaadka Colaada dhexmartay luugu baaqay inay joojigaan dagaalka.