AKHRISO:- Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

0

Wararka allgalgaduud xafiiska Muqdisho uu helayo ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ku dhex-marey labada maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Mareero oo in lagu qiyaasay 5KM u jira degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan,waxaana la sheegay in dagaalkooda uu salka ku haayo Arrimo la xiriira dhul ama Beero ku yaalla deegaanka lagu dagaalamay.

Inta la xaqiijiyey dagaalka ayaa waxaa ku geeriyooday laba ruux halka hal qof uu ku dhaawacmay,sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

Weli majirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Jawiil iyo kan Gobolka Hiiraan ee ku aadan dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaanka mareero ee degmada Jawiil.