AKHRISO:- Dagaal dib uga qarxay duleedka Jawiil

0

Dagaal ayaa markale waxaa uu goordhow ka qarxay deegaanka Mareero oo hoostaga degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan,kaas oo u dhaxeeye laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka ayaa barqanimadii Maanta ka bilaawday deegaanka Mareero oo dulkeedka Jawiil uga beegan 5KM,hayeeshee uu si iskiis ah u istaagay.

Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka uu dagaalka ka socdo ayaa waxaa ay sheegayaan in dhimashada ay gaartay 10 Ruux halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Majirto wax war ah oo ay dagaalkaas kasoo saareen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan,waxaana dadka degmada Jawiil ay sheegeen inay maqlayaan dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayo.