AKHRISO:- Muuse Biixi oo shir deg deg ah isugu yeeray Xisbiyada Somaliland

0

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaannada Soomaaliland ka taagnaa khilaaf ka dhashay dhinaca doorashooyinka iyo muddo kordhin Golaha Guurtida ay u sameeyeen Xildhibaannada Golaha Wakiilada.

Hayeeshee Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in khilaafka dhinaca doorashada ka jira ay sabab u yihiin Xisbiyada mucaaradka ee Soomaaliland,loona baahan yahay in laga gudbo caqabadaha taagan.

Waxaa uu sheegay Muuse Biixi in loo baahan yahay Soomaaliland oo is wada ogol oo dhexdooda wada tartama kana heshiiya khilaafka jira,isla markaana ay muhiim tahay in la qabto doorashooyinka.

“Aniga waxaan qabaa in xisbiyada ay mas’uul ka yihiin caqabadaha iyo khilaafka jira ee u baahan in laga gudbo,waxana aamin sanahay inay doorasho dhaceyso, iyada oo aan cidna dhaqaalo weeydiisan ayuu yiri” Muuse Biixi.

Ugu dambeyn waxaa uu shir deg deg ah usugu yeeray Madaxda Xisbiyada ka jira Soomaaliland Todobaadka soo socda si ay Xukuumadda iyo Xisbiyada uga heshiiyaan khilaafka dhinaca doorashada ah ee kajira Soomaaliland.