Sarkaal Sare oo ka tirsan Alshabaab oo Duqayn Ba’an lagu dilay

0

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in duqayn ay ka dhacday meel u dhow magaalada Saakow ee gobolkaasi.

Waxaa wararka laga helay ilo ku dhow dowladda Soomaaliya ay sheegayaan in lala bartilmaameedsaday xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Wararku waxay intaa ku darayaan in la dilay qofkii lala bartilmaameedsaday oo ah xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa inta badan qaada duqaymaha ka dhanka ah ururka Al-Shabaab iyagoo iskaashi kala sameeya dowladda Soomaaliya.

Sannadkan kaliya ayaa Maraykanku sheegeen inay Soomaaliya ka geysteen 59 duqeymood kuwaas oo lagu dilay xubno ka tirsan xagjirka alshabaab