Barlamaanka DFS oo Cod U Qaaday Labo Heshiis

0

Gollaha baralmaanka federaalka oo yeeshay kulankoodii 19aad ee Kalfadhigiisa lixaad ayaa ansixiyay labo heshiis, islamarkaana waxay sii wadeen Doodi Tobaadkan Dhan Socotay ee Akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka

Kalfadhigan oo uu shirgudoominayay guddoomiyaha barlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman waxaas oo xaadidray 140 Xildhibaan waxay ansixiyeen Heshiiska Ilaalinta Hidda Dhaqameedka Aan La Taaban Karin iyo Heshiiska Khuseeya Ilaalinta Hiddaha Dhaqanka Iyo Hiddaha Dabiiciga ah

Labada Heshiis waxaa Ogaalatay 140 Mudane Halka 4 Mudane Ay Ka Aamustay, Wax Diiday Majirin, Sidaas Ayuuna Ansax Ku Noqday
Inta Kadibna Waxa Lasii Anba Qaaday Doodi Tobaadkan Dhan Socotay ee Akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka

Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Ayaa gabagabadii kalfadhiga maanta wuxuu Sheegay In Golaha Uu Maalin Walba Uu Shaqayn Doono Ilaa Iyo Laga Ansixiyo Sharci Doorasho Dalkan Uu Yeesho